1692 Views

Jubbaland iyo AMISOM oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 13, 2018 –  Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay bilaabanayaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab kadib kulan uu la qaatay saraakiisha ugu sareysa AMISOM ee ka hawlgasha degaanada Jubbland.

Waxa uu tilmaamay in la isku raacay in si wadajir ah loo bilaabay howlgaladii ugu dambeeyay oo Al Shabaab looga saarayo degaanada ay hada kaga sugan yihiin Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa xusay in madaxda ugu sareysa ee AMISOM ay kala hadleen sidii loo taageeri lahaa ciidamada Jubbaland ee dagaalka kula jiro Al Shabaab ayna isku raaceen in guud ahaan degaanada Jubbaland laga saaro Al Shabaabka ku sugan.

“Madaxda AMISOM waxaan ka wada hadalnay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka cadowga xureynta deganada maqan, sidii gacan loo siin lahaa ciidamada, waxaan kaloo ka wada hadalnay doorka AMISOM iyo gaabinta ka jirta, sida ay u sahlan tahay in la gaaro iyo tabar yarida cadowga”. Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Al-Shabaab ayaa ku sugan degmooyinka iyo tuulooyin ka tirsan gobolada uu Maamulka Jubbaland ka taliyo, waxaana saraakiisha sare AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ay shaaciyeen in ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ay si wadajir ah u bilaabayaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo laga bilaabayo degaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment