1650 Views

Canada Oo Xaqiijisay In Nin Heysta Dhalashada Dalkaas Loo Xiray Weerarkii Nairobi

Canada Oo Xaqiijisay In Nin Heysta Dhalashada Dalkaas Loo Xiray Weerarkii Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Caalamka Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Kanada ayaa lagu sheegay inay ka war hayaan   in Muwaadin Kanadiyaan ah oo lagu magacaabo Guuleed C/xakiim  ku xiran yahay dalka Kenya, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lahaa Weerarkii ay Al-Shabaab dhawaan ku qaadeen Hotelka Dusit D 2 ee magaalladda Nairobi.

Guuleed C/xakiim iyo afar Kenyan ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Milimani  ee magaalladda Nairobi, iyadoo ay Maxkamaddu amartay in muddo 30-maalmood sii xirnaadaan, inta ay Dembi-baarayaasha ka soo dhamaystirayaan Baaritaankooda.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Calaamka ee Kanada, Filib Hanan waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii uu Muwaadinka Kanadiyaanka u heli lahaa Xukun Caadil ah, wuxuuna intaasi ku daray inay Qunsulliyadda adeeg u fidinayso Qoyska C/Xakiim Guuleed.

Afhayenka waxa uu sheegay inuu Sharcigu ka mamnuucayo inuu Saxaafadda la wadaago faahfaahino kale.

Qoyska C/Xakiim Guuleed waxay u xaqiijiyeen Wargeyska Global News ee ka soo baxa Kanada in uu Guuleed C/xakiim haatan ku sugan yahay Kanya, balse aysan ka hadli karin xarigiisa.

Guuleed Xakiim oo 46-jir ah waxa uu haystaa dhalashadda Kanada, wuxuuna ka soo jeedaa magaalladda Edmonton ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment