834 Views

Maxkamadda Ciidamada oo bilaawday baarista dilal dhacay

Maxkamadda Ciidamada oo bilaawday baarista dilal dhacay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 24. 2020–Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad iyo saraakiil kale oo katirsan guudada 5 aad qeybta 27aad ayaa siwada jir ah ugaaray deeganka kalabeyr oo 25km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyneee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay maalmahaan ka jireen shaqaaqoyin qabiil.

Maxkamada Ciidamada oo ka duuleyso awaamirtii madaxda sare ee dalka ayaa kulan la qaadatay odayaasha dhaqanka deegankaasi oo ka kooban labada dhinac oo ay dirirtu dhaxmartay.

Odayaasha dhaqanka deeganka ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay shaqada ay maxkamadu kawado deeganno dhowr ah sida deegaanka jawiil iyo xadka Galgaduud iyo Hiiraan oo maalma kahor ay ku guuleysateen inay hishiis kala dhaxdhigaan dadkii ku dagaalamayay.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo baaritaanno ka bilaabi goobta dilka ka dhacay ayaa codsaday in sharciga ay gacan ku siiyaan si looga gul gaaro qaswadayaasha.

Guddomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Gaashanle Maxamad Amiin Cabdule Aadan ayaa odoyaasha u sheegay in cid walba oo isku dayda in ay kiciso shaqaaqa qabiil ay maxkamadu gacan bir ah ku qaban doonto

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post