753 Views

Wasaaradda haweenka Galmudug oo daahfurtay ololaha 16ka maalmood ee wacyi galinta ka hortaga tacadiyada haweenka

Wasaaradda haweenka Galmudug oo daahfurtay ololaha 16ka maalmood ee wacyi galinta ka hortaga tacadiyada haweenka
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 2, 2021

 Munaasabada daahfurka ololaha 16ka maalmood ee wacyi galinta ka hortaga tacadiyada loo geysto haweenka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin Sarakiisha laamaha Amniga iyo Xubno ka socday bulshada qeybaheeda  kala duwan.

Isku duwaha Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug ee Gobalka Mudug Drs Yurub  Cabdul Qaadir Sheekh Cali ayaa ugu horreyn ka hadashay munaasabada,iyadoona sheegtay in  sanadkaan 2021  in kabadan 50kiis oo la  xariira  tacadiyada haweenka ay diwaan  galiyeen Gobalka  Mudug kuwaas oo  u badan kufsi  loo geeystay  Carruur iyo haween.

Guddoomiyaha Culumada Galmudug Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre iyo Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska  Gobalka Mudug Gaashaanlle Maxamed Mire Maxamuud ayaa fariin u diray odayaasha dhaqanka.Taas oo ku aadan in hay’addaha garsoorka iyo laamaha  Amniga ay   u  madax bananeeyaan  kiisaska la  xariira  kufsiga   si sharciga  loo marsiiyo cidda geysatay .

Munaasabadaan oo intii ay socatay ay ka hadleen xubnihii matalayay  bulshada kuwaas oo xusay in loo baahan yahay in laga wada qeybta olalahaasi ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray  guddoomiye ku xigeenka gobalka Mudug  Mudan Axmed Maxamed Shire Qoodaar,waxaana   uu sheegay in  dhibka ugu badan ee  soo  celceliya  tacadiyada  haweenka iyo Carruurta  ay  masuuliyadooda  leeyihiin  Odayaasha dhaqanka   balse  looga  baahan yahay in ay  doorkooda  ka qaataan sidii  sharciga  loo marsiin lahaa  taasna  ay  tahay  wadada kaliya  ee  loo mari karo joojinta  tacadiyada  iyo haweenka  iyo Carruurta. 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post