816 Views

Haween dhameeyay barashada harqaanka oo Dhuusamareeb loogu soo gaba gabeeyay

Haween dhameeyay barashada harqaanka oo Dhuusamareeb loogu soo gaba gabeeyay
____________________________________________________________________________

Axad: November 21, 2021

  
Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa ka qayb galay munaasabad lacago iyo qalab kale lagu gudoonsiinayay haweyn Dhuusamareeb ku dhameystay barashada Xarqaanka.

Xarunta Waxbarashada Nabada iyo hormarinta ee Gaalkacyo oo gacan ka helaysa Hay’adda UNHCR ayaa  Magaalada Dhuusamareeb  tababar la xariira xirfada ku shaqeynta Xarqaanka oo socday mudo lix bilood ah maanta ugu soo xirtay 25 gabdhood oo laga soo kala xulay xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayasha ah ee  danta yar iyo qoysaska saboolka ah.

Gabdhahaan ayaa madasha loogu soo xirayay tababarka waxaa ka qab galay Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Degmada, Wasaaradaha Haweenka, arrimaha guddaha, waxbarashada, waalidiin iyo masuuliyiin kale waxaa lagu gudoonsiiyay madasha loogi soo xirayay Tababarkan 25  gabdhood Shahaado muujinaysa xirfada ay barteen, Qalabkii xarqaanka oo dhameystiran  iyo lacag shan boqon oo doolar ah si ay shaqa abuur ugu samaystaan dhamantood.

Cabdinaasir Nuur Maxamuud oo ah madaxa Tababar ee Xarunta waxbarashada Nabada iyo hormarinta ee Gaalkacyo ayaa sheegay aqoonta hal abuurka wadata iyo dhaqaalahan yihiin kuwo ay ku kordhinayaan shaqo abuurka.

Xildhibaanad Canab Cosoble  iyo Ahasan kamil mire agaasimaha waaxda Farsamada ee Wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa la dardaarmay Gabdhahan

Wasiir kuxigeenka shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamed nuur diini  ayaa u mahadceshay Xarunt Waxbarashada Nabada iyo hormarinta ee galkacyo waxuuna ugu baaqay gabdhaha la baray xirfada inay ku shaqaystaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post