1491 Views

War murtiyeedka shirka kaalinta Dhallinyarada ee nabadda iyo is-dhexgelka Bulshada

War murtiyeedka shirka kaalinta Dhallinyarada ee nabadda iyo is-dhexgelka Bulshada
____________________________________________________________________________

Horudhac

Shirwynahan guud ee dhallinyarada Gobolka Banadir, ahna shirweynihii koowad kaas oo soconayay muddo labo maalmood ah. islamarkaana ay ka soo qayb galeen guud ahaan dhallinyarada 17 Degmo ee Gobolka banaadir, ururrada dhallinyarada madaxbannaan, dhallinyarada Jaamacadaha, qaar ka mid ah dhallinyarada qurbo-joogta ah, dhallinyarada maamul goboleedyada iyo Naadiyada aqriska qoraalka. sannadkan kowaad waxaa diiradda lagu saaray doorka dhallinyaradu ku leeyihiin nabadda iyo is-dhexgelka Bulshada.
Ujedada Shirka

Ujeedada shirkani waxay ahayd madal ay fikradahooda iyo aragtiyadahooda ku soo bandhigayeen dhallinyarada Gobolka Banaadir. Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen.

➢ In Dhallinyarada Gobolka Banaadir ay helaan fursad ay aragtiyadooda ku soo bandhigaan.
➢ In la xoojiyo Is-dhexgelka dhallinyarada Gobolka Banaadir.
➢ Muujinta doorka dhallinyarada ee nabada iyo is-dhexgelka Bulshada.
➢ In la dhagaysto argtida guud ee dhallinyarda ee nabadda iyo is-dhexgelka.
➢ Wacyigelinta dhallinyarada ee dhanka xad-gudubyada.
➢ Dhiirrigelinta dhallinyarada ee ka qayb qadashada nabadada.
➢ In ay helaan waxbarasho aasaasi ah barakacayaasha ku dhaqan gobolka Banaadir.
➢ Caqabadaha waxbarasho la,anta ee gabdhaha.
➢ Ka ilaalinta dhallinyarada man dooriyaha iyo wacyigelinta saameenta maan –dooriyaha.
➢ La shaqaynta laamaha amniga iyo Degmooyinka

Gunaanad
Baaqa nabada iyo is-dhexgelka Bulshada
Dhallinyarada Gobolka banaadir iyo dhammaan ka soo qayb galayasha shirka nabadda iyo is-dhexgalka Bulshadu waxay baaq nabadeed u dirayaan deegaannada ay ka soo cusbonaadeen dagaalada sokeeye. Waxayna maamullada iyo dowladda dhexe ugu baaaqayaan inaan la ogolaan inuu sii taato dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Dhallinyarada Gobolka banaadir waxay hambalayo u dirayaan madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka oo manta saxiixay sharciga hay’adda nafada Qaranka.

Dhallinyarada Gobolka Banaadir waxay sidookale u mahadcelinayaan gud ahaan madaxada Qaaranka. Gaar ahaan maamulka Gobolka Bnaadir sida wacan ee ay dhallinyarada somaaliyeed u garab taagan yihiin iyo doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaaten taabba gelinta shirweynaha doorka dhallinyarda ee nabada iyo is-dhexgelka Bulshada.
Ugu dambayn dhallinyarada Gobolka Banaadir waxay cadaynayaan inay diyaar u yihiin ka shaqaynta amniga iyo is-dhexgelka Bulshada.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment