792 Views

Turkiga oo cambaareeyay qaraxii & weerarkii ka dhacay Muqdisho

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilaawday oo ay Al-Shabaab ka gaysteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si xooggan u dhaleeceynayaan weerarka lagu qaaday Hotel Ellit gelinkii dambe ee shalay, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof 18 kalena ay ku dhaawacmeen.

Anakara ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxanay naxariista Alle u rajeysay Dadkii ku geeriyooday qaraxa, kuwa ku dhaawacmayna inuu siiyo caafimaad deg-deg ah ayaa lagu yiri” war kasoo baxay TURKIGA.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, iyaga oo sheegay inay ku dileen weerarkaas mas’uuliyiin iyo Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladdda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post