1113 Views

Dagaal markale dhexmaray Ciidamada dowlad degaanka & kuwa Canfarta

Dagaal markale dhexmaray Ciidamada dowlad degaanka & kuwa Canfarta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 11, 2021–Dagaal ayaa Maanta markale waxaa uu ka bilawday degaano ku yaal Galbeedka Gobolka Siti ee dowlad Degaanka Soomaalida, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada dowlad degaanka & Dad Shacab ah oo iskaashanaya iyo Ciidamada Canfarta.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka Maanta ay ku geeriyoodeen 8 ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, welina dagaalka uu ka socdo Galbeedka Gobolka Siti.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ayaa giilo ka sheegtay dagaalka, waxaana uu sheegay inay maleeshiyaadka Canfarta ka dileen 24 Ruux.

Dagaalka maanta ka dhacay Galbeedka Gobolka Siti ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli heshiis nabadeed ay Magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Dowlad degaanka iyo Canfarta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post