900 Views

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo qaliin lagu sameeyey

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo qaliin lagu sameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 13, 2019–Madaxweynihi hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa kasoo bogsanaya qalliin shalay lagu sameeyay, si looga fududeeyo cadaadis ka saarnaa dhanka maskaxda oo looga shakiyay inuu dhiig ku furmay, kaddib marki uu dhawaan dhulka ku dhacay.

 

Xarunta Carter oo ah hey’ad ay aas aaseen Jimmy Carter laftiisa iyo xaaskiisa Rosalynn ayaa sheegtay in aysan jirin wax halis ah oo ka dhashay qalliinka, isla markaana uu isbitaalka kusii jiri doono si loo qiimeeyo xaaladiisa.

 

Jimmy Carter, madaxweynihi hore ee Mareykanka oo hadda ay da’diisu tahay 95 sano, ayaa mar uu bishii May dhulka ku kufay ka jabay gacanta. Labo jeer oo kale ayuu dhacay bishi aanu soo dhaafnay, isaga oo ka jabay qeybta danbe ee laf-dhabarka.

 

Bishii March ee sannadkaan ayuu noqday madaxweynihi ugu cimriga dheeraa oo soo maraya Mareykanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment