1419 Views

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo ka shaqaynaysay Baydhabo

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo ka shaqaynaysay Baydhabo
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in  Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ay sheegtay  inay gacanta kusoo dhigtay shabakad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo howl-galo ka dhan ah amaanka ka fulin rabay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Nabad-Sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Shaahiyow ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay soo qabtaan 12 qof oo diyaarinayay howl-galo amaan daro, islamarkaana ay horgeyn doonaan cadaaladda.

Shabakadan ayaa qeyb ka aheyd shabakado dhowr ah oo Al-Shabaab u diyaariya qalqal-gelinta amniga Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Howl-galkan  ayaa qeyb ka ah sugida amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay sida ay sheegeen laamaha Ammniga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post