1161 Views

Diyaar garow ka socda Beledweyne & Wafdi ku wajahan

Diyaar garow ka socda Beledweyne & Wafdi ku wajahan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 24. 2020–Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan wafdi ka socda Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle Aadan Axmed Sooyaan.

Wafdiga ayaa maalmahaan waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Feer feer oo ku taalla xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya,halkaas oo ay u tageen xalinta laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay.

Diyaar garoow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wafdiga ayaa ka socda Beledweyne,waxaana Magaalada lagu arkayaa madax iyo Shacab u diyaar garoobay soo dhaweynta Wafdiga ka imaanaya Magaalada Feer feer.

Wafdiga ayaa markii ay tagaan Beledweyne,waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan,iyaga oo sidoo kale booqan doona Xarumo kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post