5307 Views

Dowladda oo lagu eedeeyay in Xamar oo Amni daro ka jirto Ciidamo ka daad-guraynayso

Dowladda oo lagu eedeeyay in Xamar oo Amni daro ka jirto Ciidamo ka daad-guraynayso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 27, 2019 —Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in Ciidamo badan ay u daad guraynayso Magaalada Dhuusamareeb.

 

Xildhibaanka ayaa xusay in ay nasiib daro weyn tahay in Amniga Magaalada Muqdisho oo aan waxba laga qaban taas badalkeena dowladda ay diyaarinayso Ciidamo ay doonayso in ay  Kuraasta xildhibaanada kusoo saarto 2020-ka.

 

 

 

“Ciidamada la leeyahay Xamar oo amni xumada ka jirta la wada og-yahey ayaa laga daad-guraynayaa oo loo wado Dh.Mareeb oo nabadgalyo ah, sow uma eka in hashii caloosha laga rarayo” Ayuu yiri Xildhibaanka.

 

Fiqi ayaa sidoo kale xusay in aan la aqbali doonin in dhibaatadda lagu haayo Shacabka Muqdisho ee Qaraxyo ay ka mid yihiin in ay sii socdaan.

 

“Waxaa muuqata in madaxda Villa Somalia uusan u muuqan dhiigga iyo dhaawaca joogtada ah ee ka dhashey amni xumada iyo dayacaadda Muqdisho ka jirta, hammigooda iyo hankooduna uu ku siman yahay kuraasta dawlad goboleedyada oo xoog lagu soo boobo iyo qalqal-gelinta dhul nabad ay ka jirto”Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment