786 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 1, 2020—Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo katirsan Ciidamada Darawiishta Dowlada Jubaland.

Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidamada Darawiishta Jubaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay Ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa sidoo kale loo dhameystiray dhammaan agabyadii ay u baahnaayeen oo ay gaadiidka dagaalku ka mid yahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post