1749 Views

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyey dalka Eritrea

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyey dalka Eritrea
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2019 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho aan horay loo sii shaacin waxa ay ku tegeem Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

 

Madaxweynaha ayaa maalmahaan ku sugnaa Magalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shir Madaxeed looga hadlayey Xaalaadda Dalka Suudaan, hayeeshee booqasho kedis ah uu ku tegay Eritrea,waxana dalkaasi kusoo dhaweeyey Madaxweyne Isias Afewerki.

 

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dalkaas Isias Afewerki.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer tegay Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea,, iyada oo uu goobjoog ka ahaa heshiis saddex geesood ahaa oo ay wada yeesheen dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment