1431 Views

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan sameeyay

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIsniin : December 13, 2021—Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 7-aad Guutada 16-aad ayaa Hawlgal ka sameeyey degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hir-Shabeelle, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Degaannada ay Ciidamada howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah degaannada, Dhiin garas, shaam, diinlaawe, jameeco, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in u jeedkiisu ahaa burburin fariisimaha Al-Shaaab ay ku leeyihiin degaanaddaas.

Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen in goobaha howlgalka laga sameeyay ay Al-Shabaab kulahaayeen Baro-koontorool, Goob ay dadka uga qaadaan waxaa ay ugu yeeraan Sakawaadka iyo Xoolaha, hayeeshee Ciidanka ay ku guuleysteen inay goobahaas qabsadaan.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ma sheegin khasaaro ka dhashay howlgalka ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo Ciidamada dowladda ay kordhiyeen howlgallada ay ka sameeynayaan degaannada hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post