1389 Views

Shabaab oo Afduub iyo Weerar ka geystay dalka Kenya

Shabaab oo Afduub iyo Weerar ka geystay dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 21, 2018 –Shan qof ayaa ku dhaawacantay  dalka Kenya  nin u dhashay dalka Talyaaniga waa la Afduubtay ka dib markii dagaallyahano lagu tuhunsan yahay Shabaab ay weerar ku qaadeen goob looga dukaameysto.

Weerarka ayaa ka dhacay  xarunta dukaamada ee Chakama oo ku taalla degaanka Kilifi hoos yimaada Magaalada Mombaza ee dalka Kenya. Rag hubaysan aya xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday Suuqa.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka  degmada Malindi Saakay,ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ruux Xaaladooda Caafimaad ay halis tahay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment