1002 Views

Qorshe la doonayay in Muqdisho la isugu keeno Madaxda Maamul goboleedyada oo fashilmay

Qorshe la doonayay in Muqdisho la isugu keeno Madaxda Maamul goboleedyada oo fashilmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Qorshe dowladda Federaalka Soomaaliya dooneysay inay Muqdisho isugu keento Madaxda Maamul goboleedyada ayaa socon waayay, iyadoo qorshahan uu barbar socday safarka Axmed Madoobe ku joogo magaalada Muqdisho.

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in martiqaad loo diray Madaxda maamul goboleedyada inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho, balse qaarkood ay ka cudur daarteen

 

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka ay qorsheynayeen in safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho uga faa’ideystaan inay isugu yeeraan Madaxda maamul goboleedyada, si shirkii wada tashiga ahaa uu u dhex maro.

 

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay shirka loogu yeeray Muqdisho, waxaana laga soo xigtay inuu ku mashquulsan yahay safaro uu ku marayo magaalooyinka Puntland iyo safaro dibadda ah ee uu dhowaan ku aadi doono.

 

Sidoo kale booqashadii Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka uu maalmo ka hor ku tagay Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu barbar socday sidii Madaxweyne Xaaf loogu qancin lahaa inuu Muqdisho yimaado, hase ahaatee uu xilligan diyaar aheyn, ayna howlo u yaallaan.

 

Dhinaca kale, shirkan ayay dowladda Federaalka ku doonaysay in ay ku muujiso in isfaham uu ka dhaxeeyo dowladda iyo dawlad goboleedyada, ka hor shirka Washignton ka dhici doona 8-14 bisha April oo ay hay’adaha Maaliyada Adduunka ee IMF iyo Bankiga Aduunka qabanayaan.

 

Shir doceed ay madax badan ka soo qayb galayso ayaa lagu qiimaynayaa xaalada Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu wafdiga Soomaaliya hoggaamin doono, laakiin guul la’aanta siyaasadeed iyo xaalada amni ee ka sii diraysa ayaa dhici karta in uu Wasiirka Maaliyada u xil saaro shirkaas.

 

Gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ahaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay bartamaha bishan March shir isugu yimaadaan Garowe ayaa la sheegay inuu u baaqday arrimo farsamo, waxaana loo aaneynayaa in dhanka dowladda Federaalka uu ka yimid baaqashada kulankaas.

 

Labo goor oo hore Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxda maamul goboleedyada shir isugu yeeray magaalada Muqdisho, hase ahaatee kama aysan soo jawaabin, qaarkood waa ay diideen inay Muqdisho yimaadaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment