408 Views

Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye QOOR QOOR

Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye QOOR QOOR
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa muddo kordhin hor leh u sameeyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo aad isha loogu hayey ayaa ku saabsanaa wax ka beddel lagu sameeyey dastuurka maamulkaasi, gaar ahaan muddada xil-heynta xukuumadda.

Xildhibaannada oo sameeyey codeyn gacan-taan ah ayaa hal sano oo dheeri ah ugu daray madaxweyne Qoor Qoor iyo xukuumaddiisa, waxaana ogolaatay 56 mudane.

Xil heynta madaxweynaha Galmudug ayaa markii hore aheyd 4 sanno, haddase waxa ay noqoneynaa 5 sanno, sida uu ku dhowaaqay guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Qorshahaan ayaa soo socda todobaadyadii ugu dambeeyey, iyada oo aad loogu kar karinayey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Arrintaan ayaa daba socota tallaabooyinkii ay horey u qaadeen maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyaguna min hal sano ku darsaday xil heyntooda.

Tallaabooyinka ay qaadeen maamul goboleedyada dalka ayaa uga sii dareysa xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka oo illaa iyo hadda shaacin mowqifkeeda ku aadan muddo kororsiga ay ku dhawaaqeen inta badan hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.

Si kastaba, go’aanka ka soo baxay baarlamaanka Galmudug ayaa ku soo aadayo, xilli shalay la soo gabagabeeyey shirkii u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo oo ka hadlay xaaladda dalka iyo arimaha soo koddhay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post