375 Views

Saynis yahanada oo sheegay in nooc ka mid ah kaneecada duumada sida oo ka timid Aasiya ay ku fiday Afrika, halkaas oo ay khatar weyn ku hayso.

Saynis yahanada oo  sheegay in nooc ka mid ah kaneecada duumada sida oo ka timid Aasiya ay ku fiday Afrika, halkaas oo ay khatar weyn ku hayso.
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 2, 2022

Saynis yahanada ayaa sheegay in nooc ka mid ah kaneecada duumada sida oo ka timid Aasiya ay ku fiday Afrika, halkaas oo ay khatar weyn ku hayso.

Afrika, oo ah qaaradda ay dadka ugu badan ugu dhintaan duumada, cudurka oo ay inta badan faafisa kaneecada ayaa waxa uu fara ba’an ku hayaa dadka miyiga ku nool.

Laakiin nooca kaneecada ee Anopheles Stephensi, oo inta badan kiisaskeeda lagu arkaa dalalka Hindiya iyo Iran balse hadda waxaa markii ugu horreysay la sheegay inay ku faaftay Afrika.

Kiisaska la xiriirka kaneecadan ayaa la sheegay inay ku soo badanayaan Itoobiya iyo Jabuuti, taas oo carqaladaynayso dadaalada lagu ciribtirayo cudurka duumada.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay haddii ay si ballaaran ugu faafto Afrika inay khatar galinayso nolosha dad ku dhaw 130 milyan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post