876 Views

Agaasime Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo u soo xiray Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda {HSJ} Barnaamijka Jiheynta Sawiro

Agaasime Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo  u soo xiray Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda {HSJ} Barnaamijka Jiheynta  Sawiro
____________________________________________________________________________

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa u soo xiray Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda {HSJ} Barnaamijka Jiheynta (Mentorship) oo ay ka faaideysteen qeybo kamid ah Waaxyaha HSJ.

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir Shiine oo ugu horeyn kalimad kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa saraakiisha ku booriyay dardargelinta shaqada, iyagoo uga faaideysanaya xirfadaha cusub oo ay ka barteen Barnaamijka Jiheynta (Mentorship).

Barnaaminka Jiheynta (Mentorship) oo ay fududeysay Hey’adda Socdaalka Aduunka (IOM) ayaa waxaa ka faaideystay Waaxyaha HSJ ee Maamulka, Maaliyadda, Ajaanibta, Qorsheynta & Cilmi baarista, waxeyna munaasabadda ka sheegeen Agaasimayaasha ay Waaxyahooda ka faa’ideysteen Barnaamijkan (Mentorship) in tayada Shaqada iyo qalabka intii uu socday Barnaamijka Jiheynta Waaxyahu ay horumar weyn ka sameeyeen.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo soo xiray Munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Hey’adda Socdaalka Aduunka (IOM) fududeynta Barnaamijka Jiheynta (Mentorship).wuxuuna Saraakiisha la wadaagay sida ay muhiim u tahay in shaqadooda laga dareemo Barnaamijkan tababarka ay ku qaateen 4- tii bilood ee lasoo dhaafay, gebagabadiina waxaa goobta lagu gudoonsiiyay Saraakiisha Shahaadooyin.

#HSJ

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post