1236 Views

C/llaahi Maxamed Nuur oo ku dhacay khalad diblomaasi oo weyn oo ka dhan ah Turkey

C/llaahi Maxamed Nuur oo ku dhacay khalad diblomaasi oo weyn oo ka dhan ah Turkey
____________________________________________________________________________

Isniin: November 29, 2021

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shalay ku dhacay gef diblomaasiyadeed oo weyn kadib markii uu dib u tweet gareeyey sawir gacmeed lagu weeraray Turkey oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawir gacmeedka oo uu sameeyey Siyad Arts ayaa muujinaya diyaaradda Turkish Airlines oo qeybta hore Ethiopia uga daadineysa diyaardaha Drone-ka ee Turkey ay sameysay, halka qeybta dambena ay ka degayaan dad shacab ah.

Sawir gacmeedka ayaa waxaa raacsan qoraal uu Siyad Arts ku yiri “Turkey waxay Ethiopia ku harqineysaa drones, kadibna waxay shacabkeeda u sheegeysaa inay dalkaas uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan ayaga oo aan dib u dhigin.”

Turkey, oo bishii October heshiis kula gashay xukuumadda Abiy Ahmed inay ka iibiso diyaarado Drone ah, ayaa la kulantay dhalleeceyn xooggan oo ah inay sii hurineyso dagaalka dalkaas, xilli beesha caalamka inteeda kale ay isku dayeyso in la xakameeyo, ayaga oo cunaqabteyno dhowr ah saaray xukuumadda Abiy.

https://cefb462eb387db2e13259e1e2de84d92.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa dib uga laabtay tweet-kaas oo loo arkay inuu ku taageeray cambaareynta ka dhanka ah Turkey, wuxuuna kadib tweet kale oo uu soo diray ku sheegay in jeebkiisa uu diray ee aanu ku talo-galay aheyn, isaga oo ula jeeda in sida mararka qaar dhacda in qofka marka telefoonkiisa ku jiro jeebka ay si aan ula kac aheyn wax isu diraan.

“Waxaan ka xumahay in baraha bulshada qaarkood ay siyaasadeynayaan tweet uu dib u diray jeebkeyga xilli aan kulan ku jiray, waxaana ka xumahay oo aan si daacad ah uga cudur daaranayaa qof kasta oo uu dhibay dib-u-tweet-kaas aan ku talo-galka aheyn,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxa uu intaas ku daray “Islamarkaana aan caddeeyo xaqiiqda, waa xuquuqda Turkey ee dal madax-banaan ahaan inay go’aansato xiriirkeeda Ethiopia, wax boos ahna igagama banana inaan ka hadlo. Si kastaba, waxaan sheegi karaa in Soomaaliya ay xiriir walaalnimo la leedahay Turkey.”

“Aragtida shacabka ee ku aadan Turkey waa mid wanaagsan. Turkey waa ka dhab tabarucaadda ay ku sameysay dowlad dhisidda, waxayna ku tabarucday gargaar iyo horumar iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.” 

By Asad Cabdullahi Mataan 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post