879 Views

Ruushka oo Maraykanka iyo xulafadiisa uga digay hubka ay ku taageeraan Ukraine.

Ruushka oo Maraykanka iyo xulafadiisa uga digay  hubka ay  ku taageeraan  Ukraine.
____________________________________________________________________________


Sabti: April 16, 2022

Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.

Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin,” ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.

Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine. Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.

Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.

Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka, Maraykanka ayaa dhaqaalo dhan 3 bilyan oo dollar ku bixiyay taakulada milateri ee uu siiyo Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post