1077 Views

Dhismaha Waddada Ex-koontarool Balcad iyo KM-0 oo meel wanaagsan maraysa

Dhismaha Waddada Ex-koontarool Balcad iyo KM-0 oo meel wanaagsan maraysa
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 17, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray dhismaha waddada isku xirta Isgooska Ex Kontorol Balcad ilaa KM-0 ee Degmada Shibis oo dhismaheeda meel wanaagsan maraya.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho ugu kuur galayey dhismaha waddadaasi oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda, gaar ahaan Degmooyinka Heliwaa, Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay howlwadeennada dhismaha qaabilsan inay dardargeliyaan howsha ay hayaan, ayna xaqiijiyaan tayada agabyada lagu dhisayo waddada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post