1737 Views

Sawirro:-Ciidamada Xoogga Dalka Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaan Muhiim Ah

Sawirro:-Ciidamada Xoogga Dalka Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaan Muhiim Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, 2018–Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Qeybta 43-aad iyo Ciidanka Jubbaland ayaa maanta waxa ay weerar  ku qaadeen tuulooyin hoostaga Dagmada Jamaame, tuulada kawan oo  u dhow deegaanka Araare ee Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanka Kawan oo ay isku Uruursanayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa weerar xoogan ku qaaday Taliska Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubabland,waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

Taliska Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Al-shabaab ay kala wareegeen tuulada kawan,isla markaana Khasaaro ay gaarsiiyeen haddana ay gacanta ku hayaan deegaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale Taliska waxaa uu sheegay in Al-shabaab dagaalkii Maanta ay ku gaarsiiyeen Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayna dagaalka uga qabsadeen qoryo gaaraya Sadex Qore ah AK47.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Ahna kusimaha Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidanka Xogga Dalka Somaaliyeed Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal  oo ayaa sheegay in Dagaalkaas Al-shabaab looga Saaray Tuulada Kawan oo Hoostagta Dagmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

41 42 43 44

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment