1158 Views

Somaaliland oo Eriday Afar Dhalinyaro Shaqa doon ahaa

Somaaliland oo Eriday Afar Dhalinyaro Shaqa doon ahaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 31, 2019 —Afarta Dhalinyarada ah ee la Eryay ayaa ka tirsanaa Barnaamijka Shaqa qaran oo inta badan lagu Shaqaaleysiiyo Dhalinyarada ku nool deegaannada Soomaaliland,waxaana lagu Eedeeyay inay ku kaceyn falal ka hor-imaanaya Sharciga.

 

Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu’addinka) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dhalinyaradaas ay khalkhal geliyeen imtixaankii shalay laga qaaday ardayda Barnaamijka shaqo qaran oo tiro ahaan gaaraya ilaa 300 oo Dhalinyaro ah.

 

 

 

Dhalinyarada Shaqada laga eryay ayaa shalay Warbaahinta kula hadlay Magalada Hargeysa, iyaga oo ka cabanayay in Dad aan ka ku jirin Barnaamijka shaqo-Qaran inay Imtixaan u galeen Shaqo u soo baxday dhallinyaradaasi.

 

Dhalinyarada Imtixaanka laga qaadayay oo ka tirsan Barnaamijka Shaqa qaran kana kooban Saddex wiil iyo Gabar ayaa waxaa ay imtixaanka u galayeen Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo mashruuc Shidaal sifayn ah ka fulin doonta Somaliland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment