753 Views

Trump oo ugu baaqay Madaxweyne Joe Biden inuu iska casilo xilka.

Trump oo  ugu baaqay Madaxweyne Joe Biden inuu iska casilo xilka.
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Joe Biden inuu iska casilo xilka, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Daalibaan la wareegeen dalka Afganistan.

Trump waxa uu ku eedeeyey Biden inuu ku kacay Guul-daradii ugu weynayd ee Taariikhda Maraykanka.

Dhinaca kale, Waaxda Difaaca Maraykanka waxay sheegeen inay 6,000 oo Askari u direen Afganistan, si ay u soo daad-gureeyaan Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan caasimadda Afganistan ee Kabul.

Milliteriga Maraykanka waxay la wareegeen Maamulista Garoonka Caalamiga ee Kaabul, iyagoo hakiyey Duullimaadyadii Ganacsiga ee isticmaali jirtay Garoonkaasi.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Marykanka, John Kirby ayaa sheegay inay Ciiddanka Maraykanka la wareegeen Mas’luliyada Garoonka, iyagoo taageerayo dhigooda Afganistan.

Wararka kale ee ka imaanayo Caasimadda Kabul waxay sheegayaan inay Daalibaan la wareegeen Telefishinka Qaranka Afganistan, iyagoo Fariin la soo duubay ka baahiyey TV-ga.

Waxay ugu baaqeen dadka Reer Afganistan inay ku nagaadaan Deganaansho, iyadoo xalay ahayd Habeenkii u horeeyey ee ay Kooxda Daalibaan ku sugan tahay gudaha Kabul, gaar ahaan Qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi.

Office Nairobi Kenya      

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post