1386 Views

Wasiirka Wasiirka Arrimaha qoyska ee Canada oo sharraxay qorshaha uu u hayo dhallinyarada

Wasiirka Wasiirka Arrimaha qoyska  ee Canada oo sharraxay qorshaha uu u hayo dhallinyarada
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Wareysi gaar ah oo ay BBC-da la yeelatay Wasiirka Arrimaha qoyska, Carruurta iyo howlaha Bulshada ee dalka Canada, Axmed Xuseen, ayuu ku sheegay in wasaaraddiisa Miisaaniyadda loo kordhiyay si wax looga qabto dhibaatooyinka heysta dhallinyarada, waayeelka iyo guud ahaan dadka tabarta yar.

Soomaalida ku nool Canada ayaa ka mid ah bulshooyinka mashruucyadan ka faa’iideysanaya.

“Miisaaniyadda 2021-ka waxay ku saabsan tahay runtii in dadka reer Canada laga caawiyo dhibaatooyinka ay kala kulmeen cudurka Covid-19, sababta labaadna waa in maalgalin lagu sameeyo dhammaan qeybaha bulshada.

“Miisaaniyaddan waxay u qoondeysay dhallinyarada lacag dhan 5,700 oo milyan oo doolar. Dhhalinyarada waxaa loo abuurayaa 215,000 oo shaqooyin ah,” ayuu yidhi Axmed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka waayeelka ah loo kordhin doono lacagta la siiyo, taasoo sare loogu qaadiyo doono 10%.

Dhanka kale, carruurta ayuu sheegay in qorshe muhiim ah loogu sameynayo barnaamijkan.

“Si waalidka ay ugu laabtaan shaqooyinka, carruurtu waxay u baahan yihiin meelo lagu xannaaneeyo. Sidaas darteed, shanta sano ee soo socota waxaan arrintaas ku maal galineynaa soddon milyan oo doolar.”

Dadka xabsiyada ugu badan oo ah Madowga iyo dadkii asalka loogu yimid Canada ayaa sidoo kale wax loogu qaban doonaa mashruucan, si marka xabsiyada laga soo daayo ay nolol sameystaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post