1095 Views

AMISOM oo xabsiga dhigtay sarkaal sawirro ka qaaday iyaga oo shacab ku leynaya Muqdisho

AMISOM oo xabsiga dhigtay sarkaal sawirro ka qaaday iyaga oo shacab ku leynaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –C/Wahaab Xaaji Axmed Xaaji Nuux, waxaa uu ahaa Turjumaan la shaqeynayay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya,waxaa uu hadda dhibbane u yahay sawirro iyo warbixin uu ka diyaariyay Ciidanka AMISOM oo Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ku leynayay dad rayid ah.

C/Wahaab waxaa uu la socday Kolonyada AMISOM oo iyaga oo maraya Ex-Koontarool Balcad la kulmay Miino halkaas oo uu sheegay in uusan wax khasaare ah ka soo gaarin.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM qaraxa kaddib ay joojiyeen Gaari Hoomey ah oo ay ka buuxeen dad shacab ah, waxaa ay halkaas kala degeen raggii iyaga oo goobta ku dilay sagaal qof.

Wareysi uu siiyay Shabaka Qaranimo Online ayuu ku sheegay in markii uu dilka socday u sheegay Askarta in ay shacabka leynta ka daayaan maaddaama ciidamada aysan waxba gaarin.

C/Wahaab ayaa intaas ku daray in sawirro uu ka qaaday dhacdadaas uu la wadaagay Laanta Dambi baarista ee Soomaaliya, sidoo kalena uu dhibbanayaasha dhaawacmay ku booqday Isbitaalka Keysaney halkaas oo uu warbixin ka soo diyaariyay kuwa wareejiyay laanta dambi baarista iyo Hay’adda HRW.

Hay’adda Dambi baarista Soomaaliya ayaa sawirradii la wadaagtay AMISOM,waxaana loo yeeray isaga oo safar ugu maqnaa Baydhaba, kaddibna waxaa loo sheegay in shaqada laga joojiyay muddo lix bilood ah, xabsina yahay.

Markii uu yimid Xerada Xalane ayaa waxaa uu sheegay in uu u yeeray Taliyaha AMISOM ee Xalane una sheegay in uu bixiyay sirta AMISOM lana shaqeeyay Argagixiso sidaasna ku xiranyahay.

C/Wahaab ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in isla goobtii indhaha looga xiray loona wareejiyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Xariggiisa ayaa dhacay dhamaadkii August 2018,waxaana kaddib loo wareejiyay Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamo Kenyaan ah.

C/Wahaab waa Soomaali Kenyaan,waxaana uu hadalkiisa ku daray in ciqaab farabadan oo uu kala kulmay xabsiyadii Muqdisho ka yaraadeen markii la geeyay Kismaayo oo ay la wareegeen Ciidanka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa u sii wareejiyay dalka Kenya halkaas oo uu sheegay in uu hadda wali ku xiranyahay islamarkaana ay kula suganyihiin dad xabsiga la geliyay sanadkii 1999kii.

Waxaa  uu Ciidamada AMISOM qeybtooda turjumaannimada ku biiray January 2011kii, isaga oo ka shaqeynayay bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, kaddibna loo xiray falkaas.

Keysaney ayaan tagay warbixin ayaan ka soo sameeyay , CID-da u geeyay, booliskii Somaliya meeshii magdhow laga rabay, amisom ayey la wadaageen , shaqadaa la iga joojiyay kaddibna shaqo kale ma qaban kartid.

Taliyaha AMISOM ee xalane ayaa ii yeeray kaddibna xarig ayaa tahay aya ala igu dhahay, indhaha ayaa la iga xiray Madaxtooyada Somaliya ayaa la igu xiray.

Waxaa la ii wareejiyay Kismaayo,halkaas oo ciidanka KDF ila wareegeen, eedaha loo heysto hadda inuu sir bixiyay iyo in uu argagixiso la shaqeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment