885 Views

Taliyaha ciidamada guutada Gedo oo ka jawaabay eedeymo uu soo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Gedo

Taliyaha ciidamada guutada Gedo oo ka jawaabay eedeymo uu soo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Gedo
____________________________________________________________________________

Isniin: April 18, 2022

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo ayaa sheegay in xalay gurigiisu ay weerar ku soo qaadeen qaar kamid ah ciidamada milateriga ee jooga Garbahaarrey, kuwaas oo uu sheegay inay gaarayeen 50 askari isla markaana ay ahayeen ciidamo ka soo wada jeeda hal beel.

Waxaa uu sheegay in ciidamadaasi uu taliyaha guutada Gedo ku amray inay soo qabtaan kaddib markii uu fekerkiisa siyaasadeed uu ku taageeray maamulka Juballand, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay inuu iska difaacay ciidankaasi soo weeraray.

Dhanka kale, Gaashaanle sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo ah taliyaha ciidamada guutada Gedo ayaa ka jawaabay eedeymahaasi uu u soo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Gedo.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post