462 Views

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo shaaciyey inay heshiis ka gaadheen

____________________________________________________________________________

Talaado: February 22, 2022

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee lagu magacaabo AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.

Hawlgalka ayaa la filayaa inuu isku beddelo ATMIS kadib marka ay ansixiyaan Qaramada Midoobay. ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan hawlgala, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post