1515 Views

Madaxweyne Farmaajo oo u hanjabay Banaanbaxayeyaashii Maanta

Madaxweyne Farmaajo oo u hanjabay Banaanbaxayeyaashii Maanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 13, 2019 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hanjabaad u diray dhalinyaraddii maanta banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Haween iyo Carruur la isku keenay  xarunta degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka.

Waxaa uu digniin iyo Hanjabaad u diray dadka Banaanbaxyadda sameeya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ka qaadi doonto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Cidkaste oo dowladda kasoo horjeedda ay la dagaallami doonto.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment