639 Views

Qaramada midoobay: “Wadahadallada Itoobiya iyo TPLF meel wanagsan ayey marayaan.

Qaramada midoobay: “Wadahadallada Itoobiya iyo TPLF meel wanagsan ayey marayaan.
____________________________________________________________________________


khamniis: February 10, 2022

Qaramada midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay iney mira dhalan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallagada TPLF oo muddo ka badan sanad ku dagaallamayey waqooyiga dalkaasi.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Amina Maxamed waxay booqasho ku soo martay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen.

Amina oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa waxay sheetay marka loo eego dagaalki waqooyiga Itoobiya ka socda mudda ka badan sanad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo yaryar oo meelaha qarkood ka dhaca.

“Haadda xaalku meel fiican ayu marayaa, wadahadallada socdana si wanaagsan ayey u socdaan weyna sii socon doonaan” ayey tiri.

Amina inta ay booqashada ku mareysay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay madaxda deegaannadaasi waxay ugu baaqday iney colaadda joojiyaan oo miiska wadahadalka ay u soo noqdaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterez wuxuu maalmo ka hor sheegay dhinacyadi ka qayb qaatay dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday ku dhawaad 15 bilood rabitaanka nabadda ee ay dhawaan muujiyeen inuu soo dhaweynayo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post