1539 Views

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo  ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday dalkaas.
____________________________________________________________________________


Talaado: September 21, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday dalkaas.

Waxaa dalkaas ka socotay tirinta codadka doorashada oo ay ku loollamayaan tiro xisbiyo ah oo raadinaya in ay helaan xildhibaano ku filan dhanka baaralamaanka si ay u hoggaamiyaan dalkaasi sannadaha soo socda.

Waa markii saddexaad ee Trudeau uu ku guuleysta doorashada federaalka balse dhaleeceeya waxay sheegayaan in doorashadan wakhtiga lagu lumiya uun.

Xisbiga uu hoggaamiyo Justun Trudeau ee Liberalka ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee ka dhacda dalkaas wuxuu helay 156 kamid ah kuraasta baarlamaanka dalkaas.

Halka xisbiga mucaaradka Canada uu helay 122 kursi.

Justin Trudeau waxaa hadda laga sugaya dowlad wadaag ah maadama xisbigiisa uusan ku guuleysan cod aqlabiyad ah.

Office Nairoboi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post