1299 Views

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay degmo ka tirsan Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 14 2021–Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kadib markii la dilay guddoomihii degmadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska duqa muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Hodan loogu Magacaabay Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Cabdi Fitaax Ciise DShagajuun, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi kariin Dhagajuun.

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi kariin Dhagajuun ayaa xilli habeen ah 21-kii Bishii Janaayo ee sankadan 2021 waxaa Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dileen wadada loo yaqaan Jid mareexaan, kadib markii gaarigii uu saarnaa ay rasaaseeyeen.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post