408 Views

Wasiir Kaahin”Ciidan beeleed aan sharci ahayn ayey samaysteen Mucaaradka

Wasiir Kaahin”Ciidan beeleed aan sharci ahayn ayey samaysteen Mucaaradka
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wadahadaladii oo aan wali la isla meel dhigin ayay madaxda xisbiyada mucaaradka ee kala ah Wadani iyo UCID ay warbaahinta la hadleen, isla markaana yiraahdeen way burbureen wadahadaladii.


“Saaka labada guddoomiye madaxweynaha ayay u yimaadeen, waxay yiraahdeen anaga labadii xisbi way noo yimaadeen … saaka markii laysku yimid shirjaraa’id ayay qabteen, odayaashiiba waxay ku yiraahdeen maxad noo haysan way ka tageen, kadibna waxay yiraahdeen labadii nin ee uu madaxweynuhu u yeeray” ayuu yiri Kaahin.


Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in mucaaradka Somaliland ay samaysteen Ciidan beeleed hubaysan, inkastoo arrintan ay horey u beeniyeen mucaaradka.


“Ciidan beeleed aan sharci ahayn ayey samaysteen Mucaaradku” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu soo afjaray wadahadaladii u socday mucaaradka iyo Xukuumadda Soomaaliland, isaga oo kalsoonidii kala noqday guddida dhexdhexaadinta oo ka koobnaa guddoomiyeyaasha guurtida iyo golaha wakiilada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post