1044 Views

Ururka ONLF oo walaac ka muujiyay doorashada ka dhacaysa Itobiya oo aan lagu darin.

Ururka ONLF oo walaac ka muujiyay doorashada ka dhacaysa Itobiya oo aan lagu darin.
____________________________________________________________________________

May 10- 2021

 

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in toddobaad lagu kordhiyey diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada.

Guddiga wuxuu sheegay ilaa iyo hadda iney isdiiwaan geliyeen in ka badan 31 malyan oo qof, halka wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida ay sheegayaan in deegaankaasi ay iska diiwaan geliyeen ku dhawaad 4 malyan oo qof.

Axsaabta siyaasadeed ee Deegaanka Soomaalida ka jira oo horay cabasha uga gudbiyey geeddi socodka cod bixinta doorashada ayaa sheegay in aanay ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Itoobiya.

Waxaana arrintani ka biyo diiday xisbiga ONLF, FEP iyo musharraxiin madaxbanaan, waxay sheegeen in “Haddii wax laga qaban waayo arintaas waxaan ku war galinaynaa NEBE in aan qaadan doono go,aan ka turjumaya danaha shacabkanaga todobaadkan gudihiisa”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post