309 Views

Raila Odinga, oo ka soo hor jeestay Guusha Madaxweynaha Cusub ee Kenya William Ruto, oo lagu dhawaaqey Xalay fiidkii

Raila Odinga, oo ka soo hor jeestay Guusha Madaxweynaha Cusub ee Kenya  William Ruto, oo lagu dhawaaqey Xalay fiidkii
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 16, 2022

Raila Odinga, ayaanan fagaare ka hadlin, tan iyo markii ninkii uu xifaaltanka kala dhaxeeyey tartankana kala soo horjeeday ee, William Ruto, lagu dhawaaqey inuu yahay madaxweynaha la doortay.

Ma cadda in Odinga uu kahor iman doono natiijada doorashada lagu dhawaaqey iyo in kale.

Salim Lone, oo ahaa la taliyihii hore ee Odinga, ayaa BBC-da uga waramay, sida uu uga falcelinayo madaxiisii ​​hore doorashada loogga guuleystay.

“Wada hadal dheer, ayaan la yeeshay isaga, wuxuuna caddeeyay inuu u maleynayo in tani ay lamid tahay kuxadgudub lagu sameeyey hannaanka doorashada dimoqraadiyadda. Markaa, isagu uma arko mid la aqbali karo natiijada lagu dhawaaqay haba yaraatee.

“Dhibkayagu waxa weeye doorashadani waa tii afraad ee tooska ah ee si adag looggu tartamayo, tanina waxay ahayd tii ugu xumeyd, markii aan u maleynay inay noqon doonto ugu danbayntii tan ugu wanaagsan. Wax kalsooni ah ma lahan, sababtoo ah afar kamid ah toddobo xubnood oo guddiga kamid ah, ayaa sheegay inaysan saxiixayn ku dhawaaqista Ruto oo si sharci darro ah lagu doortay.”

Ruuxa uu u xushay Odinga inuu kuxigeen u noqdo, taasoo la yiraahdo, Martha Karua, ayaa barteeda twitter-ka ku qortay, “Ma dhaamin doorashada, illaa wax waliba lasoo gaba gabeeyo”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post