1110 Views

Faah faahin:- Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:- Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu isku qarxiyay Goob Suuqa ah oo ku taal meel u dhow Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in goobta qaraxa uu ka dhacay uu ku yaal Suuq lagu iibiyo Hilibka iyo Mallaayga iyo busteejo laga raro Gaadiidka dadweynaha ee aada dhinaca degmada Dharkeeneey, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca 8 kale, kuwaas oo ahaa dadkii goobta ku sugnaa, waxaana wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay xiray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Majirto cid ilaa iyo hadda sitoos ah qaraxa loola beegsaday, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda laamaha amniga dowladda Soomaaliya inay faah faahin ka bixiyaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post