1923 Views

Shir u Dhaxeeyey DFS & Hay’adaha Caalamiga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Shir u Dhaxeeyey DFS & Hay’adaha Caalamiga ah oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 28-2020—Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee XFS Mudane, Avv. Xasan Xuseen Xaaji iyo Hanti-Dhowraha Qaranka Mudane, Maxamed Cali Afgooye iyo howlwadeenno ka kala socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Xafiiska Handhowrka ayaa kulan la qaaatay hay’adaha UNDP, UNODC, EUCAP iyo qaar ka mid deeq-bixiyayaasha magaalada Mogadishu maanta.

 

Kulankaas ayaa Wasiirka kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dadaalka Wasaaradda ay ka waddo dardar-gelinta la dagaalanka musuqa iyo horumarinta hufnaanta dhammaan hay’adaha dowladda dhexdooda taasoo ay qeyb weyn ka tahy diyaar garowga ay Wasaaradda sameynayso sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd saxiiyayaasha heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuqa oo loo soo gaabiyo (Ratification of UNCAC).

 

 

 

Waxaa kaloo Wasiirka iyo Hanti-dhowraha Qaranka iyagoo la kaashanaya ku soo bandhigeen kulankaas Stiratijiyada qaran ee la dagaalanka musuqa iyo sida loo dhaqan gelinayo iyadoo la marsiin doono golaha wasiirada dhawaan kadibna ay noqon doonta mid ka shaqeysa gayiga Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay hay’daha UNDP iyo UNODC oo ballan qaaday in kala shaqeyn doonaan Wasaaradda howlaha la xiriira dhaqan gelinta iyo ku biiridda heshiisyada caalamiga ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment