1011 Views

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Guddoonka Golaha Wakiilada

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Guddoonka Golaha Wakiilada
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 22, 2021 —Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay shir guddoonka golaha wakiillad Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiillada,Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiillada ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Dhinaca shirguddoonkana waxa gudoomiyaha ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad, Mudane Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post