888 Views

Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo dilkii khaarajinta ahaa madaxweynihii dalka Haiti

Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo dilkii khaarajinta ahaa  madaxweynihii dalka Haiti
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo dilkii khaarajinta ahaa ee loo geystay madaxweynihii dalka Haiti, Jovel Moise oo Arbacadii ka dhacay guri khaas ah oo uu deganaa, abaare 1:00 Am ee xilliga Haiti.

Sida la shaaciyey ilaa hadda falkaas ayaa waxaa fuliyey koox howl-gab ka noqotay ciidamada Colombia iyo Laba nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Mareykan, oo mid ka mid ah uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Port-au-Prince.

Mathias Pierre, oo ah wasiirka doorashooyinka Haiti, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in mid ka mid ah raggaas Mareykanka ah lagu kala magacaabo James Solages iyo Joseph Vincent.

Labada nine e Mareykanka ah ayaa la sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan Haiti, waxayna ka mid yihiin 26 qof oo loo xiray dilka madaxweyne Moise oo aroortii Arbacada ka dhacay gurigiisa gaarka ah.

Haddaba, Maxaa soo da-dajiyey shirqoolka lagu khaarajiyey madaxweynihii Haiti?

Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee Haiti, Claude Joseph ayaa sheegay in madaxweyne Moise loo beegsaday arrimo la xiriiray la dagaalankiisa kooxaha qaska ka wada dalkaas, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in beegsigiisa ay ka dmabeyso siyaasad, maadaama uu Moise xilka isku dhajiyey.

Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay, kadibna uu diiday inuu doorasho qabto.

Ra’iisul Wasaaraha ku-meel gaarka ah ee Haiti Claude Joseph ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Dhinaca kale, garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha.

Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay.

Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin.

Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday.

Haiti oo ah dal ku yaalla Caribbean-ka, oo xuduud la leeyahay dalka Dominican Republic, halka dhanka baddana uu ugu dhow yahay dalalka Cuba iyo Jamaica, ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagna rabshado xoogan.

Kadib markii uu baahay warka ku saabsan dilka, waxaa xiligaas rasaas xoogan laga maqlayey qeybo badan oo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, oo bilihii dhowaa ay ka jireen rabshado xooggan, ayaga oo ay ku dagaalamayeen booliska iyo burcad hubeysan.

Rabshadahan ayaa ka dhashay saboolnimo sii kordheysa iyo xaisllooni-darro siyaasadeed oo dalka ka jira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post