384 Views

Ururka Xuquuqda Aadanaha Ethiopia oo cambaareeyeey xadhigga lagula kacay qaar ka mid ah suxufiyiinta dalkaasi.

Ururka Xuquuqda Aadanaha Ethiopia oo  cambaareeyeey xadhigga lagula kacay qaar ka mid ah suxufiyiinta dalkaasi.
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

 Ururka Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ayaa cambaareeyeey xadhigga lagula kacay qaar ka mid ah suxufiyiinta dalkaasi.

Ururka wuxuu sheegay suxuufiyiin warbaahin kala duwan ka howlgala oo ay tiradooda gaareyso 19 iney dowladdu xirxirtay.

Madaxa ururka Daniel Baqale xarigga ay dowladda suxufiyiinta kula kacday wuxuu ku tilmaamay mid sharci darra ah, ayna muujineyso dib u dhac hor leh oo dalka ku yimid, dalkaasi oo marki horaba lagu eedeyn jiray xorriyadda warbaahinta inuu ku liito.

Laamaha ammaanka ee Deegaanka Amxaarada labadi toddobaad ee ugu dambeeyey waxay xabsiga u taxaabeen dad ka badan 6,000 oo qof.

Xarigga dadkaasi oo ay dowladdu u sababeysay howlgal qayb ka ah meel marinta sarreynta sharciga.

  •  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post