960 Views

Xuseen Carab Xiise “ Malxiisadii la tartamaysay mahdi guuleed waa ay diiday in sawir laga qaado magaceedana ay sheegto

Xuseen Carab Xiise “ Malxiisadii  la tartamaysay mahdi guuleed waa ay diiday in sawir laga qaado magaceedana ay sheegto
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: November 3, 2021

Xildhibaan Xuseen Carab Xiise  oo ka hor yimid doorashadii lagu doortay Muqdisho, Mahdi guuleed ayaa sheegay in Malxiisadii la tartamaysay mahdi ay diiday in ay saxaafada la hadasho sawirna laga qaado.

Shalay ahay ahayd markii Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya ay hakiyeen  kursiga golaha shacabka ee numberkiisu yahay HOP #239 kaasoo uu ku guuleystey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Guuleed.

Kursigaasi ayaa waxaa dacwad ka gudbiyey Xildhibaan Xuseen Carab Xiise oo isagu baarlamankan waqtigiisa dhamaadey ku fadhiyey.

Xildhibaan Xuseen Carab Xiise ayaa shegay in Qaranimada Soomaaliya ay ceeb ku tahay in qof wajiga qarsanaayo uu sheegto in uu yahay Musharax oo aan la aqoon waxa uu yahay halka uu ka yimid magaceeda iyo Sawirkeeda oo ay diiday in laga qaado

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post