894 Views

Dowladda Mareykanka oo lacag u direysa shacabka

Dowladda Mareykanka oo lacag u direysa shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Dowladda federaalka Mareykanka ayaa dooneysa inay si deg deg ah lacag toos ah ugu dirto shacabka Mareykanka, si ay uga fududeyso culeyska dhaqaale ee kaga imanaya faafitaanka cudurka Coronavirus.

 

“Waxaan u maleynayaa inaan sameyn doonno wax un, oo ah in dadka Mareykanka ay sida ugu deg degsan uguna macquulsan lacag u helaan,” waxaa sidaas Aqalka Cad weriyayaasha ugu sheegay madaxweyne Trump Talaadadii.

 

“Madaxweynaha wuxuu igu amray inaan arrintan fuliyo,” waxaa sidaas yiri xoghayaha maaliyadda Steve Mnuchin, isaga oo dhinac taagan Trump. “Waxaan eegeynaa inaan jeeg u dirno dadka Mareykanka sida ugu deg degta badan, waxaana ula jeedaa hadda, labada toddobaad gudahood.”

 

Maamulka Trump ayaa doonaya in Congress-ka ay ansixiyaan lacag gaareysa 850 bilyan oo dollar oo lagu kabo dhaqaalaha dalka, taasi oo 250 bilyan ka mid ah deyn ahaan loo siin doono ganacsiyada yaryar, halka 50 bilyan lagu samata bixin doono shirkadaha diyaaradaha dalka.

 

Lacagtan ayaa dheeri ku noqon doonta 100 bilyan oo dollar oo horey ay u ansixiyeen Aqalka Wakiilada. Lacagtaas ayaa loogu talo-galay in la siiyo dadka shaqada uga maqnaan doona xanuunada, iyo faa’iidooyin kale oo ay heli doonaan shaqaalaha uu sameeyey xanuunka Coronavirus.

 

“Waxaan dooneynaa kabid xooggan, intii aan mar walba kulamo yar yar yeelan lahayn labadii maalinba,” ayuu yiri Trump oo codsi u jeediyey Congress-ka.

 

Bankiga Dhexe ee Mareykanka ayaa Talaadadii sheegay inuu raadinayo lacag hal trillion oo dollar ah oo la amaahiyo ganacsiyada.

 

In ka badan 6,400 oo qof oo Mareykan ah ayuu haleeyey cudurka Coronavirus, oo gaaray dhammaan gobollada dalka, ayada oo 100 ka mid ah dadkaas ay geeriyoodeen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment