333 Views

dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo sababo caafimaad uga qeybgeli doonin shir Carbeed

dhaxal sugaha Sucuudiga  Maxamed Bin Salmaan oo sababo caafimaad uga qeybgeli doonin shir Carbeed
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalka Algeria ayaaa lagu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uusan ka qeybgeli doonin shirka dalalka Carabta ee bisha dambe ka dhici doono dalka Algeria.

Waxay sababta ku sheegeen in Maxamed Bin Salmaan uu u hoggaansamayo talooyinka ay usoo jeediyeen dhakhaatiirtiisa.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Algeria AbdulMajiid Tebboune uu soo wacay Maxamed Bin Salmaan isla markaana uu u sheegay in uusan ka qeybgeli doonin shirka.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa soo saartay bayaan balse ma aysan sheegeen in Maxamed Bin Salmaan uu ka qeybgeli doono shirkaas iyo in kale.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta ayaa lagu wadaa in Algeria ay ku yeeshaan kulankoodii 31-aad, shirkaas wuxuu socon doonaa 1-da ilaa 2-da bisha Novembar ee nagu soo aadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post