2007 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala degaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35-KM ka xigta dhinaca Koonfur Magaalada Johannesburg.

Ragga weerarka qaaday ayaa marka ay galeen goobta ganacsi waxa ay toogteen mid ka mid ah dhalinyaradii halkaasi joogay oo lagu magacaabayay Qadar Maxamed Nuur oo ku dhexjiray goobta dadka macaamiisha ah lacagaha looga qaado kadibna waxaa ay halkaasi ka qaateen lacago iyo kaararka telefoonada lagu shubto iyo sidoo kale telefoonada ay isticmaalaayeen dhalinyarada Dukaankaas ka shaqeyneysay.

Ciidamo Boolis ah oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay bilaabeen baaritaanada la xiriira dilka dhacay iyo sidii looga daba tagi lahaa Dableydii dilka geysatay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ka gaabsaday inuu faah daahin ka bixiyo dilalka joogtada ee ka dhaca gudaha dalka Koonfur Afrika iyo in inta badan aan talaabo laga qaadin Burcada Madow ee dilalka kula kaca Soomaalida.

Iidle Aadan Colaad oo ka mid ah Ganacsatada ayaa waxa uu sheegay in ganacsatada ay bilaabeen in goobahooda ganacsiga in ay ku xiraan Muraayadaha aan xabada karin si loo badbaadiyo nafta dhalinyarada ka shaqeysa halkaasi.

Alle ha u naxariistee Marxuum Qadar Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Magaalada Johannesburg gelinka dambe ee maanta, waxaana aaskiisa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment