1050 Views

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalada Baydhabo

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay gudaha magaalada kadib weerarka kooxdu halkaas ku qaadday.

Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala gaaray labada dhinac balse weli xog sugan lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas.

Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay iska difaaceen weerarka inkastoo aysan ka hadlin khasaaraha labada dhinac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post