762 Views

Jabhadda TPLF oo wali sii wada dhul ballaarsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle

Jabhadda TPLF oo wali sii wada dhul ballaarsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle
____________________________________________________________________________

\Arbaco: June 30 2021

Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa wali sii wada dhul ballaarsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle oo ay kala wareegeen ciidamada dowlada.

Mucaaradka ayaa hadda galay magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqooyi-galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay.

Ciidamadii Eriteria ee taageersanaa ciidanka Itoobiya ayaa goor sii horeysay isaga baxay magaalada.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dagaalkii u dhexeeyay Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kumanaan kun oo qof.

In ka badan laba milyan ayaa sidoo kale ka barakacay, ku dhowaad 350,000 oo kalana waxaa ku dhacay macaluul.

Dagaalka ayaa billowday bishii Nofeembar, markii fallaagada TPLF ay diideen dib-u-habeyn siyaasadeed oo ay qabsadeen saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaana la wareegay magaalada Mekelle dabayaaqadii isla bishaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post