1275 Views

Madaxweynaha Puntland oo kulan kula qaatay Gaalkacyo Isimada Galkacyo

Madaxweynaha Puntland oo kulan kula qaatay  Gaalkacyo  Isimada Galkacyo
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 9, 2021

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan qado sharaf kula  qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo, Isimada iyo madaxda dhaqanka ee Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha Puntland sida Xildhibaanno iyo Wasiiro, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Lateliyayaasha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale Deni ayaa lagu wadaa in uu la kulmo waxgarad ka socda galmudug, si looga wada hadlo xaalada amni ee Mudug oo ay wada daganyihiin Maamulaga Galmudug iyo Puntland.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post