330 Views

Hoggaamiye katirsan xisbiga talada haya ee Hindiya oo loo xirey meel ka dhac uu u geystay Muslimiinta

Hoggaamiye katirsan xisbiga talada haya ee Hindiya oo loo xirey meel ka dhac uu u geystay Muslimiinta
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 8, 2022

Booliiska dalka Hindiya, ayaa xirey nin dhalinyaro ah, oo katirsan xisbiga talada haya, oo baraha bulshada ku faafiyey hadallo ka dhan ah Muslimiinta.

Arrintan ayaa ka dambeysay hadallo aflagaado ah oo uu mas’uul kale oo ay isku xisbi katirsan yihiin u jeediyey Nebi Muxammed NNKH, taasoo dhalisay caro dublomaasiyadeed oo caalami ah.

Arbacadii Saraakiishu waxey sheegeen in Harshit Srivastava, oo ah hoggaamiyaha dada yar oo katirsan BJP, ayaa lagu xirey Kanpur, oo katirsan gobolka Uttar Pradesh.

Tani ayaa ka danbeysay kadib markii xiisado diimeed ay dhacdey toddobaadkii hore intii lagu guda jirey, iyadoo bannaax bax ay sameeyeen Muslimiinta, oo kasoo horjeeday hadalada meel ka dhac ku ah Islaamka.

Qareenka Srivastava ma joogin goobta lagu xirey sargaalka katirsan xisbiga talada Hindiya haya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post